Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ‘Odawaa’ oo isku day dil ka badbaaday

Gen. Odawaa Yuusuf Raage

Janaale (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka badbaaday isku day dil, kadib markii Al-Shabaab ay ku weerareen qaraxyo lagu soo xiray xoolo nool.

Qaraxaan ayaa shalay gelinkii dambe wuxuu ka dhacay Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo kolonyo uu la socday Taliyaha ay marayeen Janaale gudaheeda, si ay u kormeeraan goobaha ciidamada.

Ururka Al-Shabaab ayaa qaraxyadan waxa ay ku soo xireen laba neef oo lo’ ah, balse waxaa la sheegay Ciidamada Dowladda inaysan waxyeelo ka soo gaarin qaraxyadaasi, xilli Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu maraayay goobta.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo) ayaa sheegay isku daygaasi Al-Shabaab inuu fashilmay, isla markaana xaaladooda ay mareyso inay xoolo ku soo xiraan waxyaabaha qarxa.

Al-Shabaab oo Janaale u ahayd goob istiraatiiji ah oo weerarada iyo qaraxyada ay ka soo abaabuli jireen ayaa illaa iminka ka samri la’ inay waayeen gacan ku haynteeda.

Janaale ayaa gacanta maleeshiyaadka Al-Shabaab ka baxday 16-kii bishii March ee sanadkan.

Si kastaba, ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Gobolka Shabellaha Hoose, waxa ay ka wadaan hawlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Al- Shabaab ee ka dagaalama dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...