Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

Saciid Cali Fiqi oo maanta loo doortay gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Amb. Cali Saciid Cali /Sawir hore/

Baydhabo (Halqaran.com) – Danjire Cali Saciid Cali Fiqi ayaa Arbacadii maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Cali Saciid Fiqi ayaa doorashada kaga guuleystay Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo ah musharaxii keliya ee tartanka kula jiray.

Doorashada oo hal wareeg ahayd ayaa lagu kala baxay, sida uu ku dhawaaqay Ku-simaha gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Xildhibaan Xasan Cabdinuur Aalbaro.

Xildhibaan Aalbaro ayaa sheegay in Cali Saciid Fiqi uu helay 83 cod, iyadoo 2 cod uu helay Maxamed Cabdiraxmaan Nuur, halka 8 codna uu khasaaray.

Ugu dambeyn, guushaan uu gaaray Amb. Cali Saciid Fiqi oo dhawaan iska casilay xilka Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa ahayd mid horeyba loo sii saadaalinayay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...