
London (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa subixii Arbacada maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada London, sida uu wilkiisa u xaqiijiyay BBC-da.
Marxuum Nuur Cadde ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cade oo la hadlay BBC-da ayaa dhawaan u xaqiijiyay in aabihii uu ku jiro isbitaal ku yaala magaalada London, halkaasina lagu dabiibayo, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay cudurka Coronavirus (Covid-19).
Shacabka Soomaaliyed ayaa siyaabo kala duwan Baraha Bulshada uga tacsiyadeynaya Marxuum Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ra‘iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Nuur Cadde ayaa waxaa uu ra’iisul wasaare ahaa tan iso 2009-kii, sidoo kale inta aanu noqon ra’siul wasaare waxaa uu muddo dheer madax ka ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.
Soomaali kala duwan ayaa Cudurka Covid-19 ugu geeriyooday dalalka dibadda, xilli uu sii kordhaayo cudurkaan oo dunida si xooggan u ugu sii faafayo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





