Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

UPDATE: Dowladda Turkiga iyo Midowga Yurub oo la filayo inay heshiis cusub gaaraan

Brussels (Halqaran.com) – Dowladda Turkey ayaa rajeyneysa inay heshiis cusub oo lagula tacaalayo qaxootiga la gaarto Midowga Yurub ka hor kulan madaxeedka xiga ee ururka, waxaa sidaas Talaadada maanta sheegay wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu.

“Haddii aan heshiis gaarno ka hor 26-ka March, markaasi oo uu dhacayo kulan madaxeedka hoggaamiyayaasha Midowga Yurub, arrintan waxay qeyb ka noqon doontaa ajendaha kulanka,” ayuu yiri Cavusoglu.

Wasiirka arrimaha dibadda Mevlut Cavusoglu ayaa hadlayey maalin kadib markii madaxweyne Recep Tayyip Erodgan uu wada-hadallo xasaasi ah magaalada Brussels kula yeeshay madaxweynayaasha Midowga Yurub Ursula von der Leyen iyo Charles Michel.

“Waxaan diyaar u nahay shaqo miro-dhal ah,” ayuu ku daray.

Go’aanka ay Turkey dhammaadkii Febraayo xuduudda ugu furtay qaxootiga doonaya inay gaaraan Yurub ayaa khilaaf ka dhex dhaliyey ayaga iyo Midowga Yurub iyo dalka ay jaarka yihiin ee Greece.

“Haddii ay noqoto inaan waddo isku raacno Midowga Yurub, waxaan ka fileynaa inay daacad noqdaan. Ma ahan kaliya inaan hayno qaxootiga inaga oo ku bedelaneyna lacag,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu.

Turkey ayaa 2016 ogolaatay inay qaxootiga ka hor-istaagto inay u gudbaan Yurub ayada oo ku bedelaneysa lix bilyan oo dollar, iyo wada-hadallo lagu abuurayo xiriir dhow.

Balse dowladda Turkey ayaa sheegtay in aysan wada helin dhammaan lacagtii, islamarkaana ballan-qaadyadii kale oo ay ku jireen horumarinta xiriirka ganacsiga iyo dal ku galka aan laga dhabeyn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...