Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkmenistan oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga

Muqdisho (Halqaran.com) – Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa noqonaya Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkmenistan, kaasoo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo.

Haweeneyda lagu magacaabo Gulshat Mammedova Sahyyevna, oo ah Madaxweynaha Baarlamaanka Turkmenistan ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Safiirka cusub ee Soomaaliya.

Gulshat Mammedova ayaa ugu hambalyeeysay Danjiraha magacaabistii loogu soo magacaabay inuu noqdo Danjiraha Soomaaliya ee Turkmenistan, waxaana ay u rajeysay guul iyo gobonnimo, mudada uu ka shaqayn doono cilaaqaadka iyo xiriirka kala faa’iideysiga ee labada dal.

Danjiraha Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo ahaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Turkiga ayuu fadhigiisa noqon doonnaa Magaalada Ankara ee Xarunta Turkiga.

Danjiraha ayaa noqonaya Safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee loo magacaabo inuu noqdo Danjiraha Soomaaliya ee Turkmenistan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...