Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Ciidamada dowladda oo soo bandhigay Sarkaal 11 sano Al-Shabaab ka tirsanaa oo ka soo goostay

Xudur (Halqaran.com) – Saraakiisha Ciidamada Militariga dowladda Federalka Soomaaliya ee Gobolka Bakool, ayaa isku soo dhiibay Sarkaal muddo fog ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo lagu soo bandhigay Degmad Xudur ee Gobolkaasi.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay muddo 11 sano ah inuu la shaqeynaayay Al-Shabaab, islamarkaana uu ka hawlgalay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Waxaa magaciisa Colaad Cabdrixmaan Xerow, waxaana uu ahaa darawal in muddo ah kaxeyn jiray gaadiidka dagaalka ee Al-Shabaab.

Colaad ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay iska cafiyaan, maadaama muddo dheer Al-Shabaab uu ahaa, islamarkaana uu door ka qaatay dhibaateynta shacabka Soomaaliyed.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee Degmada Xudur, Ibraahim Isaaq Ibarahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ninkaan uu xiriir la soo sameeyey ciidamada, kadibna uu isku soo dhiibay, sidaasina ay ku soo dhoweeyeen ciidamada dowladda.

Waxaa jirtay muddooyinkii dambe Saraakiil kala duwan oo Al-Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo garawsanaayay inay isaga soo baxaan Ururkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...