Sunday, May 3, 2026
28.7 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo galabta si diiran loogu soo dhaweeyay Addis Aababa +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadanka Itoobiya.

Mudane Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Addis Ababa ayaa waxaa loo gelbiyay Aqalka Madaxtooyada, halkaasoo la fillayo inuu kula kulmo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inuu Magaalada Addis Ababa kaga qaybgalo Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

Socdaalka uu maanta Madaxweyne Farmaajo ku tagey Magaalada Addis Ababa ayaa ku soo aadaysa, sanad guuradii 3aad ee ka soo wareegatay markii xilka loo doortay.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Farmaajo ayaa 8-dii bishii February ee sanadkii 2017 loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ka dib doorasho adag oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...