Sunday, April 26, 2026
24.9 C
Mogadishu

Gudoomiyaha aqalka Sare oo ka hadlay Xaalada Cakiran ee Maamulka Galmudug

Muqdisho (Halqaran.com)- Cabdi Xaashi Cabdullahi guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya mar uu maanta ka hadlayay xaaladda qasan ee ka taagan dhuusamareeb ayaa ugu baaqay xildhibaannada siyaasiyiinta dhinacyada ishaya waxgaradka iyo culumaa,udiinka reer Galmudug inay ku dhammeeyaan khilaafka taagan wadahadl iyo isu tanaasul ayna u dhimriyaan shacabka reer galmudug.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu bogaadiyay in la sameeyo dadaal waliba oo lagu dajin karo xaaladda Siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Gudoomiye Cabdi Xaashi Waxa uu ka digay in lagu dhiirado wax waliba oo sababi kara colaad iyo khilaaf horleh oo ragaadiyo dhismaha Galmudug ama saameeya qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Hadalka guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya senator cabdi xaashi cabdullahi ayaa kusoo aadaya xili maalinta barrita ah lagu wado in magaalada dhuusamareeb lagu doorto madaxweynaha galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...