Sunday, April 26, 2026
31.2 C
Mogadishu

DEG DEG Wasiirka Amniga Jubbaland ee Ka baxsaday DFS oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com)- Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ee dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay inuu ka baxsaday halkii uu Muqdisho kaga xirnaa ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Janan ay dekadda Kismaayo ka dejisay doon ay ku wehliyeen mas’uuliyiin aan la shaacin magacyadooda.

Janan oo loo gudbiyey xarunta Madaxtooyadda Jubaland ayaa qorshuhu yahay in uu hadlo saxaafadda.

Bishii August, 2019 ayay ahayd markii Janan laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeda caasiamdda Itoobiya ee Addis Ababa

Wasiirka amniga ee Maamulka jubaland ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir ayuu hal jeer kasoo muuqday 6-da bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-ka.

Dhinaca kale Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya ay maalmo ka hor waxa ay shaaca ka qaaday in C/rashiid Janan uu ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa hay’adaha amniguna ay ku raad joogaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...