Sunday, June 14, 2026
25.8 C
Mogadishu

Beesha Caalamka oo war deg-deg ah ka soo saaray Doorashada Galmudug. +(War-saxaafadeed)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Iyadoo dhinacyada ay quseyso arrimaha Galmudug ayaa ku guuldareystay in ay soo dhisaan maamul loo dhan yahay ayay dhabaha u xaartay in Beesha Caalamka ay soo fara-geliso.

Beesha Caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay khilaafka ka soo cusboonaday arrimaha la xiriira Doorashada Galmudug, waxayna ku baaqday in dhinacyada ku lugta leh ay xal ka gaaraan.

War Saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in dhinacyadan ay tahay inay si dhow uga wadahadlaan waxa la isku diidan yahay, iyadoo aanu deg deg jirin, isla-markaana ay qaataan waqtiga ku filan ee arrimahaasi lagu xalin karo.

“Dhammaan qaybaha kala duwan ee quseyso arrimaha Galmudug waa inay xoogga saaraan, sidii loo muujin lahaa hab xasilooni ah oo loogaga fogaan karo khataraha sababi kara xasilooni darro, laguna dhammeeyo wax walba ka qaybgal iyo isu tanaasul. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ay quseyso arrimaha Galmudug inay ku xaliyaan fekradaha kala duwan wada-hadal waqti walba ha ku qaadatee.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedkan oo caawa la soo saaray.

Sidoo kale War Saxaafadeedka ayaa lagu cadeeyay inay tahay inay Doorashada Galmudug ka wada qayb qaataan dhammaan dhinacyada ay quseyso, si looga fogaado halis amni iyo gacan ka hadal.

Beesha Caalamka ayaa daneynaysa in la dhiso Galmudug lagu mideysan yahay, iyadoo dadka ay talada Galmudug ka go’dana la faray inay diiradda saaraan baahida xilligan ay dadku u qabaan dhismaha Galmudug cusub, loona dhan yahay.

Ugu dambeyn, go’aanka Beesha Caalamka ayaa waxaa durbaba lagu macneeyay, mid dib u dhigi kara xilligii uu garabka Dowladda Federaalka u muddeeyay inay ku dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Ku-xigeenkiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...