Los Angeles (Halqaran.com) – Kobe Bryant oo kamid ahaa ciyaartooydii abid ugu wanaagsanaa ee NBA-da islamarkaana ahaa orodyahan caan ah ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed meel u dhow magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka.
Bryant ayaa caan noqday isagoo 18 jir ah wuxuuna muddo 20 sano ah u cayaarayey kooxda Los Angeles ka dhisan ee Lakers.
Dhimashadiisa waxaa ka naxay xiriirka kubadda kolayga Qaranka Mareykanka, kaas oo u ka caawiyay sumacadda caalamiga iyo taageerayaasha faraha badan ee dunida dacalladeeda.
“Ma jirin cid ka badbaaday dhammaan dadkii Bryant la saaarna diyaaaradda” sidaas waxaa yiri Alex Villanueva oo katirsan booliska.
Wakiilka ciyaaraha NBA-da ee Adam Silver ayaa xaqiijiyay geerida ciyaaryahan Bryant iyo gabadhiisa Gianna in ay ka mid ahayeen dadkii ku dhintay shilka, waxayna tacsi u direen xaaskiisa Vanessa.
Lama oga sababta keentay shilka diyaaradda, balse baaritaan ay wadaan maamulka duulista hawada iyo guddiga amniga gaadiidka waxa uu qaadan karaa bilooyin, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta.
Bryant waxaa lagu yaqaanay tan iyo markii uu billaabay ciyaaraha Basket-ka in uu ku safro helicobtar si uu uga fogaado ciriiriga ka jira Los Angeles.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






