Sunday, May 3, 2026
28 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Muxuu madaxweynaha Jubbaland ku soo arkay dekedda magaalada Boosaaso ee uu booqday?

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa markii ugu horreysay kormeer ku tagey Dekeda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Axmed Madoobe ayaa Sabtidii shalay soo kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekeda Magaalada Boosaaso, isagoo soo indha indheeyay sida ay halkaasi shaqada uga socoto.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa warbixino ka dhageystay masuuliyiinta ka hawlgala Dekeda Boosaaso, iyadoona uu booriyay sida hufan ee ay waajibaadkooda u gutaan.

Axmed Madoobe ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay masuuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland iyo masuuliyiintii la socotay ayaa kormeer kale ku bixiyay Xarunta Taliska Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Boosaaso, xilli uu u kuur-gelaayay sida ay hawluhu uga socdaan.

Kormeerkan ayaa waxaa lagu sheegay mid khibrad wadaag ah, oo labada dhinac ay isaga kaashanayan xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa Khamiistii Magaalada Boosaaso ka sheegay inay ka wada shaqayn doonaan arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...