Sunday, May 3, 2026
28 C
Mogadishu

Guddoomiye Gacal oo la kulmay guddigii doorashada Baarlamaanka Galmudug?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo ay wehlinayan guddoomiye Ku xigeenka 1aad, Cabdullaahi Xersi Maxamed iyo guddoomiye Ku xigeenka 2aad, Faadumo Cabdi Cali ayaa la kulmay Guddigii Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Guddigan ayay shaqadoodu ahayd inay qaban qaabiyan doorashadii shalay lagu soo doortay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Shirkoole ee Magaalada Dhuusamareeb ayuu guddoonka Baarlamaanka Galmudug kaga mahadceliyay xubnaha guddiga shaqadii ay qabteen, inta harsana ay iyagu qaban doonaan.

Shaqada ugu horeyso ee laga doonayo Guddoonka Baarlamaanka Galmudug inay qabtaan ayaa ah qaban-qaabada iyo diyaarinta Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

Musharaxiinta u sharaxan Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa la fillaya inay loolan adag ka geli doonaan qabasahda kursiga ugu sareeya ee Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...