Monday, April 27, 2026
27.5 C
Mogadishu

Madaxii Daacishta ee Koonfurta Soomaaliya oo ku geeriyooday Xabsiga Dhexe ee Xamar

Waa Sawirka Mahad Maxamuud Cabdi (Abuu Yaasiin) Xilli uu ku sugnaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

Muqdisho (Halqaran.com) – Mahad Maxamuud oo ku magac dheeraa Abuu-Yaasiin ayaa xalay ku geeriyooday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Abuu Yaasiin ayaa ku xukunnaa xabsi 15 sano ah oo uu ku muteyustay in uu xubin ka ahaa ururka Daacish ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo uu horay uga soo barbar dagaallamay.

Sargaalkan ayaa la sheegay in uu u geeriyooday xanuun qabtay awgii.

Ninkan oo ahaa nin Soomaali ah ayaa sidoo kale heystay dhalashada dalka Ruushka oo uu muddo ku noolaa ka hor inta uusan Soomaaliya iman si uu ugu biiro Daacishta Soomaaliya.

Bishii Abriil ee sanadkii tagay ayay aheyd markii Yaasiin lagu soo qabtay howlgal laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen nawaaxiga magaalada Muqdisho.

Isaga iyo nin kale ayaa la rumaysnaa in ay maleegayeen weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay maxkamadda ciidamada qalabka sida ninkan ayaa isu ekeysiin jiray in uu yahay nin ganacsade ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan wax war ah ka soo saarin geerida Abu Yaasiin.

Daacishta Soomaaliya ayaa leh dagaalyahano tiradooda lagu qiyaaso 200 -300 oo nin, kuwaas oo marar badan dhulka buuraleyda deegaannada bari kula dagaallamay Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...