Garoowe (Halqaran.com) – Maalmo uun kaddib markii uu Golaha shacabka ee BF Soomaaliya ansixiyeen Sharciga Patroolka dalka, islamarkaana Golaha Aqalka Sare iyagana ay meel mariyeen, ayaa waxaa hadlay sharcigaasi madaxweynaha Puntland mudane Saciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha Puntland, ayaa waxa uu sheegay ansixinta sharcigaasi Puntland in aysan waxba ka ogeyn, arrintaasina ay ka soo horjeedaan.
Saciid Deni ayaa sheegay in wax walba ay u baahan yihiin in laga wada tashado, hayeeshee ay u muuqato in Sharcigaas uu yahay mid ay wataan dad dano gaar ah leh, sidaasi daraadeedna Puntland wax Shaqo ah aysan ku laheyn.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay shuruucda waaweyn ee dalka in loo baahan yahay wadatashi in laga yeesho, balse aysan haboonayn in lagu deg dego meel marintiisa.
Puntland ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay ku leedahay xubno matala, halka sidoo kale Aqalka Sarena ay ku leedahay matalayaal, kuwaasi oo u codeeyay sharciga Patroolka inuu yahay ansax.
Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal siyaasadeed oo qabow.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com