Wednesday, May 6, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maxay DF Soomaaliya ka tiri maxaabiistii dhawaan ka baxsatay Xabsiga dhexe ee Xamar?

Muqdisho (Halqaran.com) – Tan iyo markii ay dhawaan saddex nin oo Maxaabiis ah ay ka baxsadeen Xabsiga dhexe ee Xamar, ayaa arrintaasi waxaa loo xil saaray Guddi Baaritaan ku soo sameeya kiiskaasi.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federalka Soomaaliya, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga loo xil saaray dabagalka sida ay ku baxsadeen Maxaabiistii ka baxsatay Xabsiga dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa u sheegay xubnaha Guddigaasi arrintaasi inay tahay mid halis ah, islamarkaana la doonaayo inay sameeyaan Baaritaan sax ah oo ku aadan qaabka Maxaabiistaasi u baxsadeen.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay ciddii arrintaasi fududeysay in sharciga lala tiigsan doono, maadaama ay galeen kiis wayn oo ku aadan baxsad maxaabiis.

Saddexda nin ee Xabsiga ka baxsaday ayaa la sheegay inay ahaayeen Al-Shabaab, waxaana la tilmaamay mid ka mid raggii baxsaday in dib loo soo qabtay.

Xabsiga dhexe ee Xamar oo ah goob ammaankeeda si wayn loo illaaliyo ayeysan suuragal aheyn in maxbuus uu ka baxsado gudaha Xabsiga, haddii aanan loo fududeyn maxbuuskaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...