Monday, May 4, 2026
32.9 C
Mogadishu

Iiraan oo duqeysay saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay dalka Ciraaq & Xaaladda oo…

Tehran (Halqaran.com) – Telefishinka ku hadla afka Dowladda Iiraan ayaa war horu dhac ah ku sheegay in 80 askari oo Mareykan ah ay ku dileen gantaallo ay ku garaaceen saladhigga Millatariga Mareykanka Ceyn Al-asad ee galbeedka dalka Ciraaq.

Qoraal ay soo saareen ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayay ku sheegeen in aroornimadii Arbacada maanta ay tobannaan gantaal ku rideen saldhiggaasi taas kuwaasi oo ka mid ah howlgal loogu magac daray “Qaasim Suleymaani” oo uu Mareykanku khaarijiyay Jimcihii.

Iiraan ayaa sheegtay in duqeyntaasi ay u adeegsatay gantaallo riddadoodu gaareyso 800 Km iyada oo weerarkaasina ku tilmaantay mid guuleystay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa iyaduna sheegtay in Iiraan ay 12 gantaal ku dhufatay laba saldhig oo ay ciidamadu Mareyku ka dagganyihiin Arbiil.

Pentagon-ka ayaa sheegay in ay haatan ay qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, isla markaana uu ka fiirsanayo jawaanta uu ka bixinayo weerarkaas.

Gulufka sii kululaanaya ee Mareykanka iyo Iiraan u dhexeeya ayaa yimid, kaddib markii Mareykanku Jimcihii weerar dhanka cirka ah ku khaarijiyay hoggaamiyihii howlgallada dibadda Iiraan ahaana taliyaha guutada Qudus Qaasim Suleymaani.

Xaaladda ammaan ee gobolka ayaa aad u kacsan iyada oo dalalka qaarna ay digniino u direen muwaadiniinta ku sugan gobolka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...