Friday, June 19, 2026
26.6 C
Mogadishu

Golaha Shacabka oo Maanta Ansixiyey Sharci Muhiim ah (Maxaa ka ogtahay?)

Muqdisho (Halqaran.com)- Mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta waxa ay ku ansixiyeen heshiiska Damaanad qaadka maalgashiga darafyada badan, kaas oo ka mid ahaa ajendayaasha maanta la hor geeyey golaha .

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenadiisa iyo inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaannada oo dood ka yeeshay heshiiskaan ayaa ansixiyay waxaana ogolaatay 139 mudane, waxaa diiday 1 Xubin halka 2 Xubnood ay ka aamuseen, sidaas ayuuna ansax ku noqday, sida uu ku dhaawaqay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale ajendaha labaad ee xildhibaanda golaha shacabka ayaa maanta ahaa sharciga duulista Rayidka ee Hawada oo ay marsiinayaan akhrinta seddxaad.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...