Monday, April 20, 2026
31.6 C
Mogadishu

UPDATE: Maxaa sabab u ah dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqista Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Warar goor-dhow soo gaaray warbaahinta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in uu dib u dhac ku yimid ku dhawaaqista xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka Galmudug.

Waa markii labaad ee uu Fashilmo Jadwalka ay soo saareen Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug.

Wararka ay helayso Halqaran.com ayaa intaasi ku daraya, in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu ku howlan yahay sidii loo xalin lahaa Khilaaf xooggan oo ka taagan soo xulista Xildhibaanada Galmudug.

Qaar ka mid ah beelaha deegaannada maamulka Galmudug ayaa horay walaac uga muujisay guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug.

Tani ayaa noqoneysa markii labaad ee uu guddigan ku fashilmo dhowrista jadwalka doorashada maamulka Galmudug. Ilaa iyo hadda lama hubo  sida ay u fulin doonaan hawlaha kale ee horyaalla guddigan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...