Monday, April 20, 2026
28.1 C
Mogadishu

RW Khayre oo ballan qaaday in Dowladdu ay si buuxda u daryeeleyso Dhaawacyada weerarkii Argagaxiso ee Ex-Control Afgooye

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo xubna ka tirsan guddiga gurmadka qaran ee dhawaan loo magacaabay isku dubba ridka howlaga gurmadka, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabulle kusoo dhaweeyay diyaarad dowladda Qatar, ay u soo dirtay qaadidda qaar kamid ah dhaawacyadii ku wax yeelloobay weerarkii argagaxiso ee Ex-Kaantarool Afgooye.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dowladaha Qatar iyo Turkiga uga mahad celiyay gurmadka walaaltinnimo ee ballaaran oo ay u fidiyeed dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo qeybta wayn ee ka qaateen dadaallada daryeelka loogu fidinayo dhibbanayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siineyso bed-qabka iyo daryeelka mawaadiniinteeda, ayna ku dadaaleyso in bukaannadu ay helaan baxnaaninta ay u baahanyihiin.

Diyaaradda Qatar ay soo dirtay maanta oo dowladda soo gaarsiiyay dawo ay qayb ka ah gurmadka, ayaa qaaday 22 mawaadin oo ku dhaawacmay weerarka argagaxiso, si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Shalay ayaa dowladda Turkigu waxa ay sidaan oo kale dalkeeda u qaaday mawaadiniin Soomaaliyeed oo qayb ka ahaa dhaawacyadii ka dhashay weerarka Argagaxiso ee Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...