Monday, April 20, 2026
28.1 C
Mogadishu

UPDATE: Guddiga gurmadka qaraxii Ex-Control Afgooye oo sheegay in 20 Ruux nolol iyo geeri lagu la‘yahay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Gurmadka Qaraxii Isgoyska Excontrol Afgooye, ayaa sheegay in la la,yahay 20 ruux nolol & geeri.

Warbixintaan ayaa Guddiga waxa ay ka heleen dadka taleefoonada kala soo xiriiray, kuwaasi oo baadigoobaya dadkii eheladooda ah ee ay ku waayeen Qaraxii ka dhacay Isgoyska Excontrol Afgooye.

Sarkaal u hadlay Guddigaasi oo lagu magacaabo Muqtaar, ayaa waxa uu sheegay 20 ruux nolol & geeri in aan lagu hayn, kuwaasi oo ehelkooda ay la soo xiriireen.

Dadka maqan waxa uu sheegay inay ku jiraan sideed carruur ah oo waalidkood ay baadigoobayaan, islamarkaana nolol & geeri aan la haynin.

Waxa uu sheegay Isbitaalka Madiina inay yaalaan maydad la aqoonsan waayay, sidaas awgeed dadka ehelkooda uu ka maqan yahay inuu ku wargelinaayo inay tagaan Isbitaalkaasi oo ay soo eegaan maydadka.

Isbitaalada Muqdisho ayaa wali waxaa dhex wareegaya dad raadinaya ehelkoodii oo ay ku waayeen qaraxii Isgoyska Excontrol Afgooye.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...