Monday, April 27, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maamulka Degmada Wajeer iyo Odayaasha gobolka Gedo oo iska kaashanaya Amniga Xuduudaha

Wajeer (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Wajeer Jacob Narengo, ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaariyay hannaan cusub oo lagu sugayo ammaanka Wajeer.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ay sameynayaan guddi odayaal ah oo ka kala tirsan Wajeer iyo gobolka Gedo, kuwaas oo kawada shaqeynaya amniga xudduudda labada dhinac.

Mr. Jocab ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay laba jibbaareen weerarada ay ku soo qaadaan Waqooyi barri Kenya, gaar ahaan Wajeer 3-dii bil ee lasoo dhaafay.

Odayaasha deegaanka ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo baajiyo Weerarrada ay qorsheeyaan Al-Shabaab.

Billowga toddobaadkii hore ayey aheyd markii qarax lagu weeraray ciidamada ammaanka ee ka howlgala Wajeer.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...