Monday, May 4, 2026
28.7 C
Mogadishu

DEG DEG: Qarax xooggan oo Caawa ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya, in goor-dhow koonfurta magaalada uu ka dhacay qarax xooggan.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Hotel Five Star ee xaafadda Baraxley, waxaana qaraxaasi ka dib la maqlay rasaas xoogan oo baqdin ku abuurtay dadka deegaanka.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la jaray korontada, waxaana Baraxley laga maqlayaa rasaas xoogan, mana cadda in gudaha loo galay Hotel Five Star iyo in kale.

Goob-joogayaal la hadlay warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegaya inaanan wax badan laga ogayn nooca uu qaraxaasi yahay, balse dhawaqa qaraxa uu ahaa mid aad gilgilay magaalada Gaalkacyo.

Si kastaba, waxaa yaraaday kadib dhaqdhaqaaqii magaalada, waxaana caawa gaabis ah dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ee Xarunta Gobolka Mudug, iyadoona dadka intooda badan ay ku xarooday guryaha.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com insha allah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...