Tuesday, June 2, 2026
28 C
Mogadishu

In ka badan 15 qof oo ku geeriyootay qarixii maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa isa soo taraya khasaaraha nafeed ee uu sababay qarax saaka baqadii ka dhacay agagaarka bar koontorool oo ku taalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas iyada oo 3o kalena uu dhaawacyo kasoo gaaray sida ay ku warrameen saraakiisha caafimaadka.

Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr. Maxmed Yuusuf ayaa sheegay in hay’adaha gurmadku ay isbitaalka keeneen 17 ruux oo meyd ah.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Soomaaliya janaraal Sakiya Xuseen oo ka hadashay qaraxa ayaa sheegtay in qaraxa loo adeegsaday baabuur nooca Noah ah oo is qarxiyay kaddib markii ay ciidamadu is hor taageen.

”Abbaare 10:40 baqadii ayay ciidamada ammaanku is hor taageen baabuur Noah ah oo siday walxo qarxa ka hor inta uusan gaarin halkii lala damacsanaa taasoo keentay in uu qarxo”, ayay tiri janaraal Sakiya.

Qaraxan ayaa imanaya kaddib laba maalmood kaddib markii ay soo baxeen warbixinno dhanka ammaanka khuseeya oo ka digaya in qarax loo adeegsado baabuur ay suuragal tahay in uu ka dhaco Muqdisho.

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa durba sheegatay kooxda Al-Shabaab in iyada ay ka dambeysay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...