Tuesday, May 12, 2026
27.3 C
Mogadishu

Tababar maanta loo furay ciidamadii Ahlu suna ee dhawan la qarameeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Isniintii maanta tababar u furay ciidamadii dhawaan laga qarameeyay deegaannada Galmudug ee loo diiwaan geliyay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka.

Mr. Khayre oo ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay tababarka uga faa’iideystaan hannaanka ugu habboon si ay awood buuxda ugu yeeshaan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ka xoreeyaan koooxaha ka hor taagan horumarka

Galmudug iyo dhammaan mas’uuliyiintooda ayuu uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen fududaynta qarameynta ciidanka, waxa uuna ciidanka iyo saraakiisha faray kadib tababarkooda in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed si wadajir ah ugu shaqeeyaan ayna ka qayb qaataan soo celinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka tababarrada ciidamadan waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tirsan golaha wasiirrada, madaxa fulinta Galmudug, wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo danjirayaasha Midowga Yurub, Qadar, Turkey, Itoobiya , Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...