Monday, April 20, 2026
28.4 C
Mogadishu

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo maanta hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Sida qorshaha uu yahay laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Federalka Soomaaliya, ayaa maanta waxa ay hortagayaan Golaha Shacabka Somaliya, kadib markii Golaha looga yeeray.

Xildhibaannada ayaa Maanta oo kale inta badan waxaa ay ahaayeen kuwo fasax ah, hayeeshee Guddoonka Golaha uu sheegay in Maanta kulanka uu jiro,isla markaana ay hortagayaan Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

Arbacadii la soo dhaafay ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh C.raxmaan u yeeray labadan Wasiir inay Golaha hor yimaadaan maalinta Axada oo maanta ku beegan.

Wasiiradan ayaa waxaa wax laga waydiin doonaa shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradahooda oo ay faah faahin ka bixin doonaan.

Wasiirka gaadiidka & duulista ayaa su,aalo laga waydiin doonaa is hortaagii lagu sameeyay Safarkii Xasan Sheekh Maxamuud & Sh. Sheekh Axmed.

Wasiirka Amniga ayaa Sidoo kale su,aalo laga waydiin doonaa Arrimaha ammaanka & dacwo uu soo gudbiyay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...