Hargeysa: Carruur iyo Labadii Waalid ee dhalay oo ku geeriyooday guri ku soo dumay

Hargeysa (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya, in laba carruur iyo Waalidiintii dhalay ku geeriyooday gurigooda oo ku soo dumay gudaha magaalada Hargaysa.

Dhacdadan ayaa Axaddii saaka waxa ay ka dhacday Xaafadda Birjeex ee Magaalada Hargaysa, halkaasi oo ay ku dhinteen Afarta ruux.

Gurigan oo dhismihiisa liitay, ayaa la sheegay inuu soo dumay, waxaana ku dhintay laba Carruur, Hooyadii dhashay iyo Aabahood oo laga soo saaray iyaga oo mayd ah.

Ciidanka Dab-damiska Somaliland oo gurmad u fidiyay qoyskaasi dhibaatada ay soo gaartay ayaa ku guuleystay afarta ruux maydkooda in laga soo saaro bur burka guriga.

Maydadka Afarta ruux ayaa la geeyay Isbitaalka wayn ee Magaalada Hargaysa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com