Thursday, June 18, 2026
27.4 C
Mogadishu

Hargeysa: Carruur iyo Labadii Waalid ee dhalay oo ku geeriyooday guri ku soo dumay

Hargeysa (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya, in laba carruur iyo Waalidiintii dhalay ku geeriyooday gurigooda oo ku soo dumay gudaha magaalada Hargaysa.

Dhacdadan ayaa Axaddii saaka waxa ay ka dhacday Xaafadda Birjeex ee Magaalada Hargaysa, halkaasi oo ay ku dhinteen Afarta ruux.

Gurigan oo dhismihiisa liitay, ayaa la sheegay inuu soo dumay, waxaana ku dhintay laba Carruur, Hooyadii dhashay iyo Aabahood oo laga soo saaray iyaga oo mayd ah.

Ciidanka Dab-damiska Somaliland oo gurmad u fidiyay qoyskaasi dhibaatada ay soo gaartay ayaa ku guuleystay afarta ruux maydkooda in laga soo saaro bur burka guriga.

Maydadka Afarta ruux ayaa la geeyay Isbitaalka wayn ee Magaalada Hargaysa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...