Saturday, May 2, 2026
28.1 C
Mogadishu

Puntland oo shaacisay waqtiga la qaban doono doorashada dowladda Hoose

Garoowe (Halqaran.com) – Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa maanta ansixiyay qorshaha uu ku shaqayn doono iyo tubta doorashada dowladaha hoose ee Puntland.

Guddiga ayaa qorsheeyey in muddo labo sanadood gudahood ah lagu qaban doono doorashada dowladaha hoose ee Puntland.

Qorshahan Guddigu diyaariyey ayaa lagu soo bandhigi doonaa daahfur weyn oo loo sameyn doono bishaan December gudaheeda, sida uu sheegay Guddigu.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo Madaxweyne Deni magacaabay bishii Agoosto ee sanadkan 2019, ayaa muddooyinkii u dambeeyey kulamo la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo hay’adaha taageera arrimaha dimuqraadiyada.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa horey u balan qaaday in uu Puntland ka hirgalin doono barnaamijka dimuqraadiyada oo ay horey ugu fashilmeen xukuumadihii hore.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...