Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

SAWIRRO: Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay ku noqoshada Miisaaniyadda DF 2019-ka

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Xildhibaannada Goluhu waxa ay meel mariyeen  ku noqoshada qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019.

Mudanayaasha oo cod geliyay ayaa waxaa ogolaatay 118-Xildhibaan, halka ay diideen 15 mudane, waxaana ka aamustay 8-Xildhibaan, sidaas ayuuna ansax ku noqday sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Wasiirka Maaliyadda Ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxaan Ducaale Beyle iyo Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada uga mahad celiyay ansixinta xisaabxirka 2019.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa sheegay kulanka kan xiga looga hadli doono sharciga Doorashooyinka oo ay soo diyaariyeen Guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka ee Golaha shacabka, kaas oo kulankan kii ka horeeyay Xildhibaannada loo qeybiyay nuqulo ka mid ah sharciga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...