Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Degmada Waaberi

Muqdisho (Halqaran.com) – Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta sidoo kale guddoomiye cusub u magacaabay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Cabdicasiis Cismaan Jaamac ayaa loo Magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Waaberi, kaasi oo  Guddoomiyihii hore ee Degmadaas Allaha u naxariistee Mahad Cilmi oo ku geeriyooday Qaraxii 24-kii July ee 2019  ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Waa Guddoomiyihiin labaad ee Duqa magaalada Muqdisho Isniintii maanta uu magacaabay, iyadoo Gudoomiye cusub loo magacaabay Degmada Shangaani.

Guddoomiyeyaasha cusub ee la magacaabay ayaa waxa ay yihiin rag dhalinyaro ah oo looga fadhiyo inay qabtaan shaqooyin adag.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...