Tuesday, October 28, 2025
27.8 C
Mogadishu

Muxuu u sheegay Kheyre dhallinyaradii Gaalkacyo ee uu la kulmay?

Gaalkacyo (HalQaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo Isniintii shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaaladaas.

Kulanka ayaa looga hadlay kaalinta dhallinyaradu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska GalMudug iyo guud ahaan dalka, mideynta awoodda dhallinyarada iyo u diyaarinta dhallinyarada hoggaaminta dalka.

Mr. Khayre ayaa u sheegay dhallinyarada in magaalo iyo deegaan kasta oo uu tago uu kulanka ugu horreeya la yeelanayay dhallinyada, isaga oo sababtana ku sheegay in dhallinyaradu yihiin hoggaanka mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay in ay sii ogaadaan fursadaha iyo caqabadaha, fikirkoodana ay ku biiriyaan hannaanka lagu horumarinayo dalka.

Dhallinyarada Gaalkacyo ayuu ra’iisul Wasaaruhu ku boorriyay in ay is abaabulaan, muujiyaana cududdooda, waxa uuna kula dardaarmay in is abaabulka ay ka billaabaan Gaalkacyo kaddibna ay ku xirmaan dhallinyarada deegaannada ku xeeran si ugu dambeyn loo helo cod dhallinyaro Soomaaliyeed oo midaysan, kana madax bannaan kooxeysi iyo qabiileysi, looguna wada istaago danta guud.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu deegaannada Galmudug kula yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada si ay taladooda ugu daraan qorshaha dhismaha Galmudug dhammaystiran, loo dhanyahay, kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Garowe
halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...