Monday, April 27, 2026
28 C
Mogadishu

Lafta Gareen oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com)   Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, ka dib markii waan-waan maalmihii u dambeeyay ka socotay magaalada Muqdisho ee lagu xalinayay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay natiijo la’aan ku soo idlaaday.

 

Garoonka diyaaradaha waxaa wafdiga Madaxweynaha ku soo dhoweyey wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka Baay ,kan degmada Baydhabo, cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada nadaxtooyada iyo qeybaha kala duwan  ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

 

Lafta Gareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho, isaga oo qeyb ka ahaa dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...