Friday, November 7, 2025
27.9 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Maxaa ka jira in mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya la hor-geynayo BF Soomaaliya?

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay Mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya inuu horyaallo Baarlamaanka Soomaaliya, kulamada ugu soo horeeyana looga hadli doono.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka hadasho daan daansi iyo xad gudub uu sheegay inay Kenya ku heyso Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Kenya ay tahay dowlad weerar ku ah Soomaaliya,isla markaana mooshin ka dhan ah Ciidamadeeda jooga Soomaaliya uu yaallo Baarlamaanka Soomaaliya kana doodi doonaan.

“Xukuumadda waa inay ka hadashaa daan daansiga dowladda Kenya ay wado iyo sidoo kale sheegashada dhulkeena, arrinta badda waa mid maxkamadda taallo, Mooshin baan diyaarinay Baarlamaanka ayuuna horyaalla.”Ayuu yiri Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa xilligaan waxaa ka dhaxeeya Khilaaf adag oo dhanka Siyaasadda ah iyo arrinta badda ku saabsan, xilli shalay wafdi ka socda dowladda Kenya ay ka qayb galeen xafladii caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...