Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug gaaray qaar kamid ah safiirada dowladaha caalamka u fadhiya Muqdisho iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa magaaladaa kula kulmay masuuliyiinta iyo diblumaasiyiinta maanta gaaray Dhuusamareeb.
Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisayo Galmudug loo dhanyahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa safiirada iyo wakiillada ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.
Wakiillada Qarmada Midoobay, midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turkiga, Itoobiya, Talyaaniga, Norway iyo Kenya ayaa kamid ahaa masuuliyiinta uu ra’iisul wasaaraha kula kulmay magaalada Dhuusamareeb.
Si kastaba, ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhanyahay oo xariir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com