Friday, June 19, 2026
25.9 C
Mogadishu

XOG: Maxaad ka ogtahay Sababta Al-Shabaab iyo Daacish aysan uga hadlin qaraxii lagu le’day ee Ex-Kontrol Afgooye?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ururada Al-Shabaab iyo Daacish ayaanan sheegan masuuliyadda Qaraxii ka dhacay Ex-control Afgooye halkaasi oo dad badan oo shacab ah lagu laayay, balse dadka ayaa isweydiinaya sababta Shabaab & Daacish uga aamuseen Qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa looga bartay sheegashada qaraxyada gaadiidka ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, balse qaraxii shalay oo lagu laayay dad badan oo shacab ah ma aysan sheegan.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay qaraxaasi inay ka dambeeyeen Al-Shabaab, balse sababta ay uga aamuseen inay tahay kadib markii ay ogaadeen dad masaakiin ah qaraxa inay ku laayeen, taasi oo ay u arkeen haddii ay sheegtaan inay shacabka kala kulmayaan falcelin fool xun.

Sidoo kale Daacish iyagana ma aysan sheegan mana ka hadlin qaraxaasi, labadan Urur oo Somaliya ka dagaalama qaraxyada dadka ay ku laayaan markii shacab ay u bataan waa ay ka aamusaan.

Waxaa la xusuustaa Al shabaab inaysan sheegan masuuliyada Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-kii October, halkaasi oo ay ku dhinteen Boqolaal qof.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa si wayn uga xumaaday dhibaatada joogtada ah ee shacabka Somaliyed lagu haayo, waxaana dareen fal celin kala duwan uu ka soo baxay dadka shacabka ah.

Madaxda dowladda oo Siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxaasi waxa ay masuuliyada ku eedeeyeen Al Shabaab oo looga bartay Qaraxyada gaadiidka & dilalka ay ka gaystaan Muqdisho gudaheeda.

Dhimashadii ka dhalatay Qaraxii Isgoyska Excontrol Afgooye, ayaa waxa ay gaareysaa illaa 79 ruux sida xalay uu sheegay Taliyaha Booliska Somaliya, halka dhaawacana uu maraayo 129 ruux.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...