Muqdisho (Halqaran.com) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahne hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ka hadlay socdaalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku joogo magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Siyaasi Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Khayre looga fadhiyo inuu garawshiyo iyo magdhow ka bixiyo dadkii lagu dilay magaaladaasi 13-kii, illaa 15-kii December ee sanadkii hore 2018-kii.
Wuxuu tilmaamay ina Cabdishakuur, in looga baahan yahay inuu fuliyo Ra’iisul wasaaruhu ballantii ay guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ay wadajir uga qaadeen shacabka iyo odayaasha deegaanka.
”Ra’iisul wasaare Kheyre waxay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed uga fadhiyaaa in uu garawshiyo ka bixi, ka dibna magdhaw dadkii sanadii hore 13-15 December 2018 lagu laayey Baydhabo, fuliyana balantii ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo wadajira u qaadeen shacabka iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Si kastaba, rabshadihii ka dhacay Koonfur Galbeed xilligii doorashada ayaa waxaa ku dhintay 11 qof, kadib markii la soo xiray Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharraxiintii maamulkaasi u taageynd oo ay dowladda Soomaaliya ka soo Afduubatay magaalada Baydhabo, isagoona iminka Xabsi guri ugu jira magaalada Muqdisho.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com