Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Shirkadda Daallo Airline laga mamnuucay garoomada diyaaradaha ee Puntland?

Garoowe (Halqaran.com) – Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland, ayaa shaaca ka qaaday, in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in dowladda Puntland ay macmnuucday shirkadda diyaaradaha ee Daallo Airline.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh), oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararkaasi la sheegayo.

“Wasaarada Duulista Hawadda iyo Garoomadda ee Dawladda Puntland, waxa ay cadaynaysaa in aan waxba ka jirin warbixinta lagu sheegay in Shirkadda Daallo Airline laga mabnuucay Garoomada Puntland” ayuu yiri Xoosh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Agaasimaha guud, ayaa xusay, in shirkaddu ay maantadan ka degtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso .

‘‘Waliba waxaan dad waynaha reer Puntland iyo guud ahan kuwa Soomaaliyeedba u sheegayna in duulimaadkii caadiga ahaa ee shirkada Daallo Airline ay ku imaan jirtay Puntland ay maanta kaga soo dagtay Garoonka Boosaaso”.

Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay, in shirkadda Daallo Airline ay maalmihii u dambeeyay Garoomada Garoowe iyo Boosaaso ka qaadaysay dadka sannadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka “Waxaa sida oo kale shirkada Daallo Airline Garoomadda Boosaaso iyo Garoowe ay ka qaaday duulimaad yadii XAJKA ee ay xujayda ugu qadaysay Dalka Sucuudiga” ayuu sii raaciyay Xoosh.

Ugu dambeyn, agaasimaha ayaa caddeeyay, in Garoomada Puntland ay u furan yihiin diyaarad kasta oo si sharciya ku imaanaysa garoomada Puntland.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...