Wednesday, June 24, 2026
26.3 C
Mogadishu

Xildhibaanno si adag uga soo horjeestay go’aankii ka soo baxay Puntland (Maxaa cusub?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Kadib markii Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ay xirtay Xafiisyo kala duwan oo Xildhibaano ka soo jeeda Deeganada Puntland ay halkaasi ka furteen ayaa arrintaasi waxaa ka soo horjeestay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee dalka iyo Xildhibaan Puntland ka mid ah.

Xildhibaanadan ayaa sheegay tallaabada ay ku dhaqaaqday Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland inay tahay mid ka hor imaanaysa Dastuurka KMG ee dalka u yaallo.

Waxa ay sheegeen in Dastuurka xaq uu u siinaayo Xildhibaanka deegaan doorashadiisa inuu ka furto xafiis uu uga war hayn karo shacabka uu matalo, sidoo kalena uu kala xiriiri karo.

Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo kamid ah Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay Puntland inaysan hor istaagi karin Xuquuqda ay leeyihiin Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxda Puntland inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara midnimada Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo dhaweeyey fikradda ah in deegaan doorashada iyo xubinta ku matasha Baarlamaanka xiriir joogta ah sameystaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoorre oo ka mid ah golaha wakiillada Puntland ayaa dhankiisa sharci-darro ku tilmaamay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, waxaana uu ugu baaqay Wasaaradda inay ka laabato warqadda joojinta xafiisyada ay Puntland ka furteen Xubno katirsan golaha Wasiirada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf culus oo ku aadan dhanka Siyaasadda, waana sababta keentay in Puntland ay xirto laba Xafiis oo ay kala furteen Xildhibaan Sadiiq Warfaa & Xildhibaan Jamaal oo laga soo doortay deeganada Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...