Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ee laga soo doorto Deegaanada Galmudug ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay caqabad ku yihiin dhismaha Galmudug cusub.
Waxaa isa soo taraya Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee eedeymaha u jeedinaya Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Xildhibaan Shaacir Sheegow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in la sameeyaa maamul cusub oo Galmudug leedahay, ay caqabad ku yihiin Xildhibaanada Labada Aqal ee Galmudug ka soo jeeda.
Xildhibaan Shaacir Sheegow ayaa qaba in Dowladda Somaliya ay dadaal iyo juhdiba ku bixinayso dhismaha Galmudug cusub, balse ay taasi ka dhaqaaqi la’dahay Xildhibaanada Galmudug laga soo doorto, sida uu yiri.
Xildhibaanka oo marka hore ka waramay halka ay arrimaha Galmudug marayan ayaa yiri “Arrimihii Galmudug waa socdaan lama dhihi karo, waana hakadeen lama dhihi karo. Arrintu weli waa iska cakiran tahay, dib u heshiisiinta ka dib wax tallaab ah oo horey loo qaaday majirto, Guddigii Doorashooyinka ee la fillaayayna in la magacaabo weli lama soo magacaabin.”
Waxa kaloo uu yiri “Meeshaas arrimo badanoo is diidan baa ka muuqda, Guddiga Doorashooyinka oo aad loo wada daneynayo, gaar ahaa waxaa aad u daneynayo guddigaas oo laga magacaabi la’yahay Xildhibaanada Labada Aqal. Marka ayagoo aad u daneynaya inay lug weyn ku yeeshaan soo magacaabidda guddigaas, soo magacaabiddii iyo soo xulistii Odayaashii iyo Xildhibaanadooda, intaba.”
→ Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso gaar ah Leh:⇓
- XOG XASAASI + WARBIXIN: Ma wuxuu mideeyay Khilaafkii DF Somaliya iyo Jubbaland, siyaasiyiin ka soo horjeeda damaca Farmaajo?!
- DHAGEYSO: Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo si cajiib ah uga hadlay loolanka kala dhaxeeya Kenya
- Maxaa u sabab ah in Injineerada Turkiga lagu weeraro magaalada Muqdisho?
- Ma Ogtahay in Kenya ay dhabar-jab ku noqotay go’aankii Madaxweyne Farmaajo ee Kiiska badda?
- WAR CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo Caalamka u caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Kiiska Badda‚ ‘‘Kenya ha isku tashato‘‘!
Wuxuu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ay tahay cidda magacaabeyso Guddiga Doorashooyinka, iyadoo ka tala gelineysa Ahlu Sunada Galmudug iyo cidda ay u aragto inay daneynayso.
Xildhibaan Sheegow oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa meesha ka saaray in Ahlu Sunna ay caqabad ku tahay dhismaha Galmudug cusub, waxaana uu yiri “Ahlu Sunna wax caqabad ah oo xageeda ka jiro maleh. Ahlu Sunna waa dad Culimo ah, ballan baa lala galay, midkaan mid ka sii weyn baa lala galay.”
Xildhibaan Sheegow oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa Xildhibaanada Labada Aqal ugu yeeray in ay faraha kala baxaan arrimaha Doorashooyinka Galmudug, mana jirto caqabad aan iyaga ka ahayn oo hortaagan dhismaha maamulka cusub ee Galmudug, sida uu yiri.
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku sugan Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, maalmaha soo socdana kuwo kale ayaa la fillaya in ay gaaraan magaaladaasi.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com