Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay Mashruucii shalay ay wada saxiixeen isaga iyo Duqa Muqdisho ee lagu dhisi lahaa Magaalooyinka dalka, hayeeshee uu hakiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Wasiir Beyle oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Mashruuca marka hore loogu talo galay inay ka wada qeyb qaatan shanta Maamul Goboleed ee dalka iyo Gobolka Banaadir, hayeeshee markii ay saxiixeen kadib Cabashooyin laga keenay, isla markaana Go’aan lagu gaaray in la joojiyo Mashruucaas oo ku kacaayay 112 Milyan oo Dollar.
Mr. Beyle ayaa sidoo kale tilmaamay in Mashruuca dib u eegis lagu sameeyn doono, isla markaana dhammaan ay ka qeyb geli doonaan Dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo cid kasta uu shaqo leh arrintaas.
Mashruucaasi, ayaa waxaa ka maqnaay Maamul Goboledyada kala ah Hirshabelle iyo Galmudug, balse qaylo dhaan dheer kadib la hakiyay Mashruuca.
Ugu dambeyn, mashruucan oo shalay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda iyo Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa waxaa lagu dhisi lahaa Magaalooyinka dalka sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, hayeeshee waxaa laga tegay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Jowhar.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com