Tuesday, October 28, 2025
25.5 C
Mogadishu

Wasiir ka digay in la farageliyo madax-bannaanida Somaliya

Muqdisho (HalQaran.com) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay diblomaasiyiinta shisheeye ee safaaradaha ku leh magaalada Muqdisho.

Kulanka kaddib wasiir Cawad oo shir jaaraa’id qabtay ayaa danjirayaasha uga digay faragalin dibadeed oo ay ku sameeyaan arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo uu tilmaamay in ay caqabad ku tahay isfahamka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Soomaalilaan.

Mr Cawad oo soo hadal qaaday sababta xukuumadda Soomaaliya ay xariirka diblomaasiyadeed ugu jartay dalka Jamhuuriyadda Gini ayaa ku macneeyay in Soomaaliya aysan marnaba ka aqbalaynin Gini iyo dowlad kalaba in ay faragaliyaan arrimaha gudaha Soomaaliya iyo madaxbannaanideeda.

“Soomaaliya in badan ayay muujisay dulqaad iyo is xakamayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale, wasiir Cawad waxa uu hoosta ka xarriiqay in xukuumadda federaalka ay diyaar u tahay sii ambaqaadidda wadahadallada Somaliland, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in cid walba oo danaynaysa xariir ay tahay in ay soo maraan dowladda federaalka.

Kulanka wasiirku la yeeshay maanta diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ku sugan ayaa imanaya kaddib markii khamiistii dalka Gini ee dhaca galbeedka Afrika lagu soo dhaweeyay hoggaamiyaha maamulka Soomaalilaan Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambeyn, maamuska iyo soo dhaweynta loo sameeyay Biixi ayaa dhalisay in dowladda Soomaaliya ay si aad ah uga carootay isla markaana ay ku dhawaaqday in xariirka diblomaasiyadeed ay u goysay Jamhuuriyadda Gini.

Xafiiska HalQaran.com, Muqdisho
halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...