WAR DEG DEG: Xukuumadda Somaliya oo go’aan culus ka Qaadatay labadii Madaxwayne ee maanta lagu doortay Kismaayo! (Maxaa Villa Somaliya ka…)

Muqdisho (Halqaran.com)  – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si aan la fileyn uga hadashay Laba Doorasho oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, Kuwaasi oo Axmed Madoobe iyo Cabdirashiid Xidig loogu kala doortay Laba Madaxwayne oo Hoggaamin doona Maamulka Jubbaland.

Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya ayaa cadeysay ineysan Aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee kasoo baxay Kismaayo, kuwaas oo tilmaamaya in shaqsiyaad kala duwan mid walba gaarkiisa u sheegto Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dhinaca kale, waxay Wasaaradda Walaac ka muujisay dhacdooyinka ka soo cusboonaaday Kismaayo ee ku saabsan is-Caleema saarka baalmarsan habraacyada Doorashooyinka, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan doonto oo kaliya doorasho wadar-oggol ah, lagu qanacsan yahay, xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay goobjoog ka yihiin dowladda federaalka iyo beesha caalamka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com