Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

WAR DEG DEG: Booliska DFS oo Xubno sare oo ka tirsan maamulka G/Banaadir kala baxay xarunta dowladda Hoose!

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar ay helayso warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegaya, in goor-dhow xarunta Gobolka Banaadir saddex ruux oo ka mid ah Shaqaalaha Gobolka Banaadir la dhigay xabsiga.

Dadkaan ayaa waxaa xiray ciidamo uu hoghaaminaayo Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan.

Dadka la xiray ayaa waxaa ka mid ah Agaasime Ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha ee Gobolka Banaadir, ruux haweenay ah iyo shaqsi kale.

Ku-xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Gobalka Banaadir Nuur Axmed Cali, ayaa sidoo kale ka tirsan Guddiga qaban qaabada Xil Wareejinta Guddoomiyaha cusub ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Finish”.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta dadkaan ay u xireen Ciidamada Booliska dowladda Federalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ammaanka ayaa Sheegay shaqsiyaadka la xiray in lagu sameynaayo baaritaano.

Wixii ku soo kordha kala soco Halqaran.com insha allaah.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...