Saturday, June 6, 2026
27.7 C
Mogadishu

Wafdi ka socda dowladda Kenya oo toos uga degay Kismaayo & DF Somaliya oo ka careysan

Xildhibaan Barre Aadan Ducaale oo maanta Kismaayo lagu soo dhaweeyay

Kismaayo (Halqaran.com) – Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa goor dhaw waxa ay ka dageen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose, iyadoo maanta ay dhaceyso Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaayo hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaalle.

Diyaarada ay la socdeen xubnaha Wafdigaan ayaa ka soo kacday Magaalada Nairobi waxayna si toos ah uga dagtay Magaalada Kismaayo.

Tagitaanka Wafdigaan Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo dowladda Soomaaliya amar ay soo saartay, kaasi oo ahaay diyaarad aanan soo marin Muqdisho inaysan ka dagi karin Kismaayo.

Wafdiga Xildhibaan Aadan Barre Ducaalle ayaa jabiyay amarkii dowladda Federalka Soomaaliya, waxayna si toos ah uga dageen Magaalada Kismaayo.

Ilaa iyo hadda lama oga tallaabada ay qaadi doonto dowladda Federalka Soomaaliya ee ku aadan diyaaradan wafdiga gaysay Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...