Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

Waddada Maka Al Mukarama oo maanta Xiran

Waddo xiran Muqdisho. Photo Credit: REUTERS/Feisal Omar

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada ammaanka dowladda ayaa Sabtidii maanta xiray wadada muhiimka ah ee Maka Al Mukarama oo dadweynaha si wayn u isticmaalaan.

Xirnaanshaha wadadan ayaa dadka saaka ay ku soo tooseen, iyadoo wado kasta ay taagan yihiin Ciidamada ammaanka oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadada.

Sidoo kale, waxaa xiran illaa xaafadda loo yaqaan Galmudug ee ku taallo dhabarka dambe ee Xerada Asluubta, halkaasi oo Ciidamada Booliska Soomaaliya lagu arkaayo.

Sababta loo xiray wadada, ayaa ilo wareedyo waxa ay sheegayaan inay tahay madaxda dowladda Federalka Soomaaliya oo ka qayb galaysa Munaasabada aas aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga xusaya sanadguuradii 50aad xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii.

Ugu dambeyn, dadweynaha reer Muqdisho ee shaqooyinka u socda ayaa ah kuwa lugeynaya, maadaama Ciidamada ay xireen wadada oo gaadiidka shacabka aanan la ogoleyn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...