Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay Xiisad ka dhalatay dad lagu laayay Galgaduud

Galgaduud

Galgaduud  (Halqaran.com) – Waxaa xiisad ka dhalatay laba nin oo xoolo dhaqato ahayd oo lagu dilay Deegaanka Balicad ee Gobolka Galgaduud, xilli ay dilkooda gaysteen dabley hubeysan oo gaari watay.

Dilka ayaa Khamiistii ka dhacay Deegaanka Balicad oo ku yaala wadada xiriirisa Degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq.

Dableyda dilka gaysatay oo sida la sheegay ka timid dhinaca Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa la soo sheegaya in dilka ka dib, ay dib ugu laabteen Caabudwaaq.

Xiisadda ka dhalatay dilka labadan nin ayaa soo ifbaxday markii dhaqdhaqaaq laga dareemay deegaanada hoos-tagga Degmada Cadaado, oo heyb ahaan ay labadaasi nin ka soo jeedaan.

Bulshada ku dhaqan Deegaanka Balicad ayaa ku sheegaya in ehelada xoolo dhaqatada la dilay ay wadaan abaabul ay ku doonayan, in ay aargudashado ku sameeyan.

Ugu dambeyn, gobolada Dhexe ayaa waxaa ku badan dilalka aanooyinka xagga beelaha la xiriira, waxayna dilalka yihiin kuwo si joogto ahi uga dhaca goboladaas.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...