Friday, June 19, 2026
27.6 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay 28 ruux oo lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay iskuul ku yaalla Libya

Tripoli (Halqaran.com) – Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday iskuul milaterigu uu leeyahay oo ku yaal caasimadda Liibiya ee Tripoli, saraakiisha ayaa sidaasi sheegay.

Ma cadda faahfaahinta weerrarkaasi, hasayeeshee wararku waxa ay sheegayaan in weerrarka ay soo qaadeen ciidammada fallaagada ee daacadda u ah Janaraal Khaliifa Xaftar, kaas oo saldhiggiisu uu yahay bariga Liibiya.

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinaya maydad daadsan barxadda iskuulka la weerraray.

Dowladda Liibiya ee ay baritaarto Qaramada Midoobay ayaa waxa ay la dagaalamaysay xooggaga kacdoonka ee uu hogaaminayo Janaraal Xaftar.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Xukuumadda Heshiiska Qaran lagu dhisay ee Liibiya, Amin al-Haashimi, ayaa sheegay in “Duqeyn cirka ah oo lala beegsaday iskuul milateri oo ku yaal Tripoli lagu dilay 28 qof tobannaan kalana lagu dhaawacay”.

Liibiya ayaa waxaa ka dhacayay qulqulatooyin iyo kala qeybsanaan tan iyo markii xilka laga tuuray hogaamiyihii mudada dheer dalkaasi maamulayay Mucamar Qadaafi kaddibna la dilay 2011.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...