Wednesday, April 29, 2026
31.9 C
Mogadishu

UPDATE: Qarax miino oo lagu dilay guddoomiyihii degmada Awdheegle & Xaaladda degmada oo

Awdheegle (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in qarax miino lagu dilay guddoomiyihii degmada Awdheegle.

Qaraxan ayaa waxaa la galiyay wadada dhinaceeda, waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Awdheegle iyo deegaanka Sabiib.

Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Saddex ka mid ah Ciidamadii illaalada u ahaay Guddoomiyihii Degmada Awdheegle ee geeriyooday.

Allaha u naxriistee Maxamed Yarow ayaa mudo ka badan 6 sano wuxuu ahaa gudoomiyaha degmada Awdheegle, waxaana guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose oo qaraxaasi ka hadlay uu u tacsiyadeeyey ehelada guddoomiyihii degmada Awdheegle.

Masuuliyiinta Gobolka Shabellaha hoose, ayaa waxa ay wadooyinka ku maraan xaalad adag, maadaama Al-Shabaab waddooyinka ay galiyaan Qaraxyo miino..

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...