UPDATE: Nabaddoonka Wasiirkii Amniga ee Jubbaland ‘JANAN’ oo tuhun ka muujiyay in la Dilay!!! (Maxaa cusub?)

Wasiirkii Amniga ee Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan)

Muqdisho (Halqaran.com) – Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo oo ah Nabadoonka Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa tuhun xoogan ka muujiyay inuuba nool yahay Wasiirka.

Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo ayaa sheegay in warkii Taliska Booliska ka soo yeeray ee la xiriiray baxsahada Wasiirka ay ka maqleen uun Warbaahinta, isla-markaana aanay jirin farriin loogu soo wargelinayo oo kaga timid dhinaca dowladda.

Nabadoon Aadan Maxamed oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in tan iyo markii uu soo baxay warka Taliska Booliska, ay meelo kala duwan la xiriireen, hase ahaatee aanay helin cid ka warami karta halka uu ku dambeeyo Wasiirka.

“Meel kasta waan la xiriirnay waxba lama hayo. Kismaayo lama hayo, Gedo waa meeshiisii, iyana lama hayo, Jubbaland lama hayo, Xamar dhexdeedana meel lagu hayn karo inaanay jirin baan fillaya.” Ayuu yiri Nabadoon Aadan Maxamed.

Waxa uu soo hadalqaaday mudadii uu ku xirnaa Magaalada Muqdisho in odayaal uu ka mid yahay oo Gobolka Gedo ka tagey inay Magaalada Muqdisho kula kulmeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla-markaana ay kala hadleen sidii xabsiga looga soo saari lahaa, balse aanay Madaxweynaha ka helin war rasmi ah oo uu ku cadaynayo, goorta uu xoriyadiisa dib u heli doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dowladdu ka diiday in lala kulansiiyo Cabdirashiid Janan, odayaal uu ka mid ahaa oo tiradoodu uu ku sheegay 17 xubnood.

Nabadoon Gurumo ayaa malahooda ku sheegay in la dilay Wasiirkii Amniga Jubbaland, haddii aanay meel qarsoodi ah ku hayn Dowladda Federaalka.

“Koley ninkaasu waa nin dhintay ama waa nin meel qarsoodi ah ku jiro oo qoladaan ay si kale u aragtay. Walaahi anaga waxaanba filleynaa ninkaasi inuusan noolleen.”

Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa ku jahwareersan halka uu ku dambeeyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Jubbaland, oo tan iyo 31-kii bishii August ku xirnaa Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan wax war ah ka soo saarin xaaladda nololeyd ee Wasiir Janan, ka dib warkii uu boolisku ku sheegay inuu ninkaasi ka baxsaday xabsigii uu kaga xirnaa Caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com