Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo ka garnaqeysa dacwad ka dhan DF Soomaaliya (Maxaa Cusub?)

Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay billaabi doonaan dhageysiga dacwad ka dhan ah dowladda federaalka oo uu soo gudbiyey xisbiga Himilo Qaran.

Dacwadaas ayaa la xiriirtay xayiraddii safar ee dhamaadkii bishii Septembar ee sanadkan lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed.

Mr. Baashe ayaa sheegay in maxkamadda sare tahay mid madaxbannaan oo qaadi karta dacwadaha noocan ah isla markaana aanay jirin cid u yeerin karta go’aammada ay maxkamaddu gaari doonto.

Sidoo kale, guddoomiye Baashe ayaa sheegay in dhinicii kale ee dacwadda laga keenay ay la wadaageen eedda loo heysto maxkamaduna ay qaadi doonto dacwadaas.

Himilo Qaran ayaa ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka ah ee ka jira dalka kaasi oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ugu damebyn, laba maalmood ka hor ayay ahayd markii maamulka hawada Soomaaliya ay is hortaag kooban ay ku sameeyeen hoggaamiyeyaasha madasha xisbiyada qaran oo ku wajahnaa magalaada Baledweyne, taasoo dhalisay muran iyo mad madow siyaasadeed oo sii cakiray xariirka Dowladda iyo xisbiyada mucaaradka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...